Shuruudaha Maalgashiga

Waxan danaynaa inaan caawinno ganacsatada Soomaaliyeed ee soo koraya ee leh raadraac una baahan maalgashi dhaqaale. Qorshahayagu waa inaan ku bilawno wax yar, xidhiidh dhisno, halkaana ka sii fidno. Maalgashiga la sameeyey ilaa imiku waa dhinaca beeraha, xoolaha, kaluumaysiga, malabka iyo weliba ganacsiga dumarku ama haweenku lee yihiin iyo ururada bixiya daymaha. Ilaa maanta maalgalinta la bixiyey waxay u dhexaysaa $5,000 ilaa $125,000, iyadoo la tixgelnayo marba tayada soo jeedinta mashruuca. Waa la tixgelinayaa ganacsiga koraya ee rajada fiican leh una baahan raasamaal wayn. Inkastoon waaya-aragnimo u leenahay qaybaha beeraha, kalluumaysiga iyo malabka, haddana waan qaadanaa dhaqdhaqaaqyada kale ee ganacsi ee la xidhiidha arrimaha bulshada ee xilkasnimo deegaan leh, horeyna u marinaya shaqo abuuris, noqonna kara tusaale fiican oo ganacsi. Maalgeshi uma raadino lacagĀ  toos loogu shaqaysto.

Haddii aad lee dahay ganacsi ku yaala Soomaaliya oo aad xiisaynayso inaad hesho dayn adiga oo isticmaalaya adeegyada Shuraako, fadlan soo gudbi Codsi Kooban oo dhamaystiran ama nagala soo xiriir email ka info@shuraako.org wixii xog ah ee dheeraada.