Ciddaan Nahay

Shuraako waa mashruuc fulineed oo ay leedahay Heyadda One Earth Future Foundation (OEF). Shuraako waa mashruuc aan macaash doon ahayn oo ka hawlgala Soomaaliya oo dhan. Shuraako oo macneheedu yahay wadalahaansho “partnership” afka Ingiriisiga, waxay ka shaqaysaa xidhiidhada keeni kara faaiiido dhaqaale, waxayna xidhiidhisaa dhaqdhaqaaqyada ganacsi  ee aadka u yaryar, kuwa yaryar iyo kuwa meel dhexaadka ah (MSMEs) si ay saamayn wax ku ool ah ugu yeelato maalgashadeyaasha keenaya shaqo abuuris, taasoo iyana keenaysa Soomaaliya oo nabad iyo degenaansho hesha. Shuraako waxay taas ku gaadhaysaa iyadoo cayinta oo dhiirigelisa ganacsiga  u qalma una fududaysaa maalgelinta loo ogolaaday. Shuraako waxay dhiirigelisaa kobcinta qaybta dhaqaalaha gaarka loo leeyahay, iyadoo la tacaalaysa kala taganaashaha dhaqaale ee Soomaaliya dhexdeed ka jirta isla markaana ka shaqaynaysa shuraakaha wax ku oolka ah ee kobcinaya dhaqaalaha.

One Earth Future Foundation oo ah heyad aan faa’iido doon ahayn dowladna ku xidhnayn oo xarunteedu tahay Colorado, USA. OEF oo la aasaasay 2007, waa heyad fulineed oo leh aragti ku aadan horumarin wax ku ool ah, kuna shaqaysa maamul ama xukun dhinacyo badan ah si loo gaadho adduunyo dagaal ka gudubtay – sidaa daraadeed sadarka hal ku dhegeeda waa: “Nabad loo Marayo Maamul Wanaag.”