Su’aalaha Badanaa la is Weydiiyo

1. Waa maxay Shuraako?

Shuraako waa mashruuc aan faa’iido doon ahayn oo ka hawlgala dhammaan Soomaaliya gudaheeda. Shuraako, oo micnaheedu yahay wada lahaansho “partnership” af Ingriisiga, waxay ka shaqaysaa xidhiidhada dhaqaale ee faaiido keenka ah, waxaanay xidhiidhisaa  ganacsatada ay ka mid yihiin kuwa aadka u yaryar, kuwa yaryar iyo kuwa meel dhexaadka ah (MSMEs) iyo maalgashadayaasha una horseedaan abuurista shaqooyin kaalin wax ku ool ah ka qaata xasiloonida iyo degenaanshaha Soomaaliya. Shuraako waxay taas ku gaadhaysaa iyadoo ogaata  ganacsiga u qalma una fidisaa dhaqaalihii loo qoondeeyey. Shuraako waxay dhiirigelisaa kobcinta ganacsiga iyadoo aqoonsan baahida dhaqaale kana shaqaynaysa shuraakada wax ku oolka ah ee dhiirigelinaysa horumar dhaqaale.

2. Waayo Soamaaliya?

Shuraako waxa hadda awood loo siiyey inay ka shaqayso Soomaaliya. Shuraako waa mashruuc fulineed oo ka mid ah [One Earth Future Foundation (OEF)], oo ah ‘xarun fikir iyo waxqabad’ oo aan  faa’iido doon ahayn aragtideeduna tahay horumar wax ku ool ah, wax wada qabsi iyo wax isla qabad dhinacyo badan ah una adeega maamul xukun oo wacan oo ina gaadhsiiya adduunyo aan dagaal ka jirin. OEF waxay Soomaaliya uga bilowday hawsheeda waa maamul ama xukun la’aanta ka jirta. Budhcadbadeednimada badaha Soomaalia ayaa tusaale u ah xukun la’aanta. Shuraako waxay ka dhalatay fikraddan waana mashruuc isu keena maalgeshadeyaasha mustaqabalka saamayna ku yeelan kara iyo watana mashaariic ganacsi oo rajo leh, lagana  damacsan yahay shaqo abuuris iyo horumar dhaqaale. Shuraako waxay la shaqaysaa qaybta dhaqaalaha ee gaar loo leeyahay ama qof ahaan loo leeyahay; kumana shaqo leh arrimaha maamul dowladeed, sharci ama toos ula xidhiidhka dowladaha si wax looga  bedelo.

3. Maxaa Shuraako loo Abuuray?

Shuraako waa barnaamij ay leedahay Hayadda One Earth Future Foundation (OEF). Waa heyad aan faa’iido doon ahayn kana madaxbanaan dowlad, lehna aragti lagu abuurayo qaabab wax ku ool ah oo xukunno iyo dano dhinacyo badan ahi ay danaynayaan arrimo xul ah si loo yareeyo dagaalada. Iyadoo ah heyad hawlgal, OEF waxay diirada saartaa cilmibaarista, kobcinta fikradaha, iyo hirgelinta fikradaha iyadoo loo rogayo mashaariic dhab ah oo waxqabad leh. Si xeebaha looga abuuro fursado dhaqaale, Shuraako ayaa dhalatay si ay isugu keento maalgashade yaasha iyo ganacsatada wadata mashaariic rajo wanaagsan leh oo laga hirgeliyo Soomaaliya.

4. Waa Maxay Xirrirka ka Dhexeeya Shuraako iyo Heyadda OEF?

Shuraako waa barnaamij ay leedahay Hayadda One Earth Future Foundation (OEF) waxaana si buuxda u maalgeliya OEF. Iyadoo ah heyad hawlgal, OEF, waxay diiradda saarta cilmibaarista, kobcinta fikradaha, iyo hirgelinta fikradahaas oo loo beddelo mashaariic dhab ah. Mahsruuc kalena waa Oceans Beyond Piracy (OBP), oo isu keena dhinacyo kala duwan oo daneeya arrimaha badaha si ay u wax uga qabtaan dhibaatada budhcad badeednimada.  Mashruuca saddexaad waa - Responsibility to Protect & Business (R2P) - wuxuu si gaar ahaaneed diiradda u saaraa kaalinta ganacsigu ku leeyahay marka la fulinayo R2P. (OEF) waxa kale oo ku guda jira barnaamij cilmibaaris (research program) oo si xoogan u baadhaa ugana baaraandegaa dulucda dooda ka dhex socota mashruuceeda “Nabad lagu Gaadho Maamul Wanaag”, “Peace through Governance”.

5. Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya Shuraako iyo maalgashadeyaasha?

Shuraako ma aha iyadu maalgashade. Shuraako waxay ka codsataa maalgashadeyaasha in ay maalgeliyaan qorsheyaal ganacsi oon hore ugu diyaarinay Soomaaliya. Maalgashadeyaashaa ayaa go’aanka maalgeshi gaadhaya. Shuraako waa adeeg bilaash ah ama lacag la’aan ah oo fududeeya maalgelinta mashaariicda ganacsiga ee rajada wanaagsan leh oo laga fulinayo Soomaaliya, waxaanay maaraysaa fulinta arrimahaas maalgelinta kadib. Shuraako waxay qeexdaa ama bartilmaansataa ganacsiga ama heyadaha si dhakhso ah wax ku soo biirin kara dhaqaalaha degaanka. Waxay xoojisaa dadaalk haboon ee goobta looga baahan yahay, waxayna la yeelataa xidhiidh adag  ganacsatada ay la shaqaynayaan. Si kale haddii loo dhigo, Shuraako waxay bixisaa adeeg lagama maarmaan u ah dhaqdhaaqa ganacsiga  ee deegaanka iyadoo muujinaysa in maalgashi joogta ah lagu samayn karo Soomaaliya iyo inay jirto qiimayn xilkasnimo oo looga hayo dayn ama amaah qaadashada Soomaaliya. Shuraako iyo maalgashadayaasha dibedda oo iskaashanaya waxay ujeedadoodu tahay inay abuuraan qaybta dhaqaalaha gaarka ah ee ku dhisan firfircooni iyo xilkasnimo.

Hadda, waxaan shuraako la nahay Heyadda Qoyska Arsenault (Arsenault Family Foundation) oo si naxariis leh u maalgeliyey xafiiskayaga. Shuraako waxayi si joogta ah u raadisaa maalgsahadeyaasha daneeya himilooyinkayaga xiisana u qaba mashaariicda ama barnaamijyada aan soo bandhigno. Waxaan rabnaa inaan ballaadhino shabakadda maalgashadayaasha, fadlan nagala soo xidhiidh (info@shuraako.org) haddii aad  danaynayso mashruucayagan. 

6. Shuraako ma bixisaa lacag maalgashi ah?

Maya. Shuraako ma bixiso lacag maalgashi ah Waxaan nahay heyad aan faa’iido doon  ahayn oo iskeed isu maalgelisa  adeeg lacag la’aan ahna siisa maalgashadayaasha debedda (kuwaas oo bixiya dhammaan lacagaha amaahda ama daynta). Shuraako kama doonto macaash ama fa’iiido lacageed shaqada ay ka dhexqabato kuwa ku shuraakooba hawlahan iyo/ama maalgashada yaasha.

7. Aniga (oo ah ganacsade Soomaaliyeed) sideen u raadsan kara maalgelin?

Haddii aad Soomaaliya ku leedahay fursad maalgashi nagala soo xidhiidh (info@shuraako.org)! Ganacsatada  Soomaaliyeed waxaa lagu dhiirigelinayaa inay soo gudbiyaan Codsi Kooban waxaana laga doonayaa inay isticmaalaan sargooyada Shuraako. Marka aanu fiirinno Codsiga Kooban waxa dhici karta inay kooxda Shuraako kaa codsadaan inaad soo gudbiso Qorshe Hawleed ganacsi  oo dhamaystiran. Korodhso aqoontaada ku saabsan cidda u qalanta inay hesho amaahaha ama daymaha iyo sida aan ugu kuurgalno maalgelinta Soomaaliya adigoo fiirinaya boggayaga U Kuurgalka. Haddi aad su’aalo gaar ah hayso oo ku saabsan habka daynta ama inay ay hawlahaaga ganacsi  u qalmi karaan, fadlan nagala soo xidhiidh.

8. Ayaa xaq u leh inuu helo maalgashi?

Waxan danaynaa inaan caawinno ganacsatada Soomaaliyeed ee soo koraya ee leh raadraac una baahan maalgashi dhaqaale. Qorshahayagu waa inaan ku bilawno wax yar, xidhiidh dhisno, halkaana ka sii fidno. Maalgashiga la sameeyey ilaa imiku waa dhinaca beeraha, xoolaha, kaluumaysiga, malabka iyo weliba ganacsiga dumarku ama haweenku lee yihiin iyo ururada bixiya daymaha. Ilaa maanta maalgalinta la bixiyey waxay u dhexaysaa $5,000 ilaa $125,000, iyadoo la tixgelnayo marba tayada soo jeedinta mashruuca. Waa la tixgelinayaa ganacsiga koraya ee rajada fiican leh una baahan raasamaal wayn. Inkastoon waaya-aragnimo u leenahay qaybaha beeraha, kalluumaysiga iyo malabka, haddana waan qaadanaa dhaqdhaqaaqyada kale ee ganacsi ee la xidhiidha arrimaha bulshada ee xilkasnimo deegaan leh, horeyna u marinaya shaqo abuuris, noqonna kara tusaale fiican oo ganacsi. Maalgeshi uma raadino lacag  toos loogu shaqaysto.

Haddii aad lee dahay ganacsi ku yaala Soomaaliya oo aad xiisaynayso inaad hesho dayn adiga oo isticmaalaya adeegyada Shuraako, fadlan soo gudbi Codsi Kooban oo dhamaystiran ama nagala soo xiriir email ka info@shuraako.org wixii xog ah ee dheeraada.

9. Waa maxay micnaha Isku Xirid -Maalgelin- Shaqooyin?

Shuraako, oo micnaheedu yahay wada lahaansho, “partnership” afka Ingiriisiga, waa heyad aan macaashdoon ahayn oo xidhiidhisa shuraakaha (partners) wax ku oolka ah ee dhaqaale keeni kara, isla markaana fududaysa maalgalinta dhaqdhaqaaqa ganacsi  ee aad u yaryar, kuwa yaryar iyo kuwa meel dhexaadka ah [MSMEs]; iyadoo ujeedada weyni tahay shaqo abuuris.

Sidaa darteed baa sadarka halkudhiggayagu yahay: Isku Xirid> Maalgelin>Shaqooyin.

10. Shaqo abuuris iyo horumar dhaqaale ma keenaan nabad guud iyo deganaansho?

Shuraako waxay aqoonsan tahay in qaybta gaarka ama shakhsiga loo leeyahay ee dhaaqaaluhu, marka si xilkasnimo loo wado, ay abuurto horumar dhaqaale oo keenta ka qaybgal guud ee arrimaha bulshada iyo deegaanka (sida ka qaybgalka doorashooyinka oo kordha, ama galaangalka  dowladda oo kordha si dadwaynaha loogu keeno adeegyo guud). Ka qayabgalka arrimaha bulshada iyo deegaanka oo kordhaa waxay keentaa kordhisaana daahfurnaanta dowladda, la xisaabtan keeda, iyadoo ay muwaadiniintu  doonaan inay codsiyadooda ka jawaabto. Tani waxay abuurtaa xidhiidh wax isweydaarsi oo xoojisaa wada shaqayn la mahadiyo oo ku dambaysa barwaaqo guud iyo degenaansho. Dawladaha xoogga lihi waxay ka maqlaan oo wax ka qabtaan codsiga muwaadiniinta iyagoo hirgelinaya siyaasadaha iyo shuruucda u faa’iideeya dadka. Shuraako sina iskuguma deydo, inay saamayn ku yeelato Dowladda Soomaaliya, hase yeeshee waxay la shaqeysaa qaybta dhaqaalaha gaarka loo leeyahay si loo abuuro shaqooyin loona hormariyo dhaqaale firfircoon.

Sida lagu muujiyo qoraalka Sababaha Dhaqaale ee keena Iska Horimaadyada iyo Wadashaqaynta Geeska Afrika, "Iska  horimaadka waxa badanaa keena arrimo dhaqaale, sidaa daraadeed horumarinta qaybta dhaqaalaha gaarka loo leeyahay ayaa kaalin wax ku ool ah ka qaadan karta in la abuuro xaalad keenta deganaanshaha bulshada. Waxay ka hortigi kartaa sababaha kiciya iska horimaadyada sida shaqo la’aanta iyo faqriga.”1 Qaybta dhaqaalah gaarka loo leeyahay waa furaha wax ka qabadka arrimaha nabadda iyo degenaanshaha Soomaaliya. Shuraakana waxay doonaysaa inay saamayn wanaagsan ku yeelato arrintan, iyadoo si xilkasnimo leh ugu samynaysa maalgelin iyo shaqo abuuris.

[1] Love, Roy, Economic Drivers of Conflict and Cooperation in the Horn of Africa: A Regional Perspective and Overview, 2009.